Ruushka oo ku dhawaad 20 qof ku dhaawacay Ukraine

0
164

Ugu yaraan 18 qof ayaa la xaqiijiyay inay ku dhaawacmeen gudaha dalka Ukraine.
Tani ayaa timid ka dib markii dowladda Ruushka ay xuqeymo dhanka cirka ah ka gaysatay magaala xeebeedda Mykolaiv.
Waxaa khasaaraha ka dhashay weerarka xaqiijiyay guddoomiyaha gobolkaasi , Vitaliy Kim .
Waxaa uu intaasi ku daray in shan ka mid ah dadka dhaawacmay ay carruur yihiin.
Maamullada Ukraine ayaa laga soo xigtay in duqeymaha oo sidoo kale habeenkii saddexaad xalay laga fuliyay gobolka Odesa ay ku dhaawacmeen labo qof oo dheeraad ah.