Isticmaalka baraha bulshada ee Itoobiya oo sidii caadiga ahayd ku soo noqday

0
281

Waxaa lagu soo warramayaa in maanta si caadi ah loo adeegsanaya baraha ay bulshada ku wada xiriirto ee Facebook iyo Instagram ee dalka Itoobiya.
Shan bilood ka hor ayay ahayd markii la xannibay isticmaalka barahan.
Hay’ad dabagal ku sameysa xayiraadda Intarneetka oo lagu magacaabo (OONI) ayaa wakaaladda wararka ee AFP u sheegtay in gudaha Itoobiya markii ugu horreysay tan iyo horraantii bishii labaad ee sanadkan hadda laga isticmaalaya baraha bulshada.