DHAGEYSO:Shacabka Tana River oo ka cabanaya saameynta abaarta

0
371

Dadweynaha ku nool ismaamulka Tana River ee gobolka xeebta ayaa walaac ka muujinaya saameynta ay dadka iyo xoolaha ku yeelatay abaarta halkaas ka jirto.
Waxay dowladda dhexe iyo midda ismaamulkaas ku eedeynayaan in aynan qaadin tallaabooyin lagu badbaadinaya nolosha shacabka ismaamulkaas iyo xoolaha ay dhaqdaan ee ay ku tiirsan yihiin.
Waxay intaa ku dareen in ay masaafo dheer biyo u raadiyaan xoolahooda halka dalagga beeraha uu hoos u dhacay.

Agaasimaha waaxda xannaanada xoolaha ee Tana River Nzioka Wambua ayaa dhankiisa sheegay in 2500 oo qoys ay ka faa’iidaysan doonaan barnaamijka caymiska xoolaha hasa ahaate ay warbixin dhameystiran ka sugayaan wasaaradda xoolaha ee dowladda dhexe.