Barasaabka Bungoma oo dallacsiiyay 198 ka mid ah saraakiisha caafimaadka

0
245

Guddoomiyaha ismaamulka Bungoma ,Kenneth Lusaka ayaa dallacsiiyay 198 ka mid ah howlwadeennada caafimaadka ee dowlad deegaankaasi.
Tallaabadan ayuu sheegay in looga gol-leeyahay wanaajinta bixinta adeegyada shacabka ee Bungoma.
Sidoo kale waxaa uu qandaraaska shaqo u cusbooneysiiyay 245 sarkaal oo qayb ka ah barnaamijka caafimaadka guud ee UHC waxayna sii howlgeli doonaan muddo saddex sano oo dheeraad ah.
Guddoomiyaha ayaa bayaan ku sheegay in Shakhsiyaadka la dallacsiiyay ay ka mid yihiin 6 dhakhaatiir ah , 28 qaabilsan bixinta daawooyinka , 118 kalkaaliyeyaal ah iyo afar ka shaqeeya sheybaarrada.
Waxaa uu barasaabka ismaamulka Bungoma intaasi ku daray inuu jiro qorsho lagu shaqaaleysiinaya 235 dheeraad oo ah saraakiil caafimaad.