Ammaanka ismaamullada xayiraadda la saaray oo la adkeeyay

0
725

Waxaa si weyn loo adkeeyay amniga 5 ka mid ah dowlad deegaannada wadanka oo maalmo ka hor xayiraad lagu soo rogay ka dib markii ay sare u kaceen xaaladaha cudurka COVID-19 ee sida maalinlaha ah looga diiwaangeliyo.
Ismaamulladan ayaa kala ah Nairobi,Kajiado , Machakos , Nakuru iyo Kiambu.
Isku duwaha ammaanka ee Nairobi James Kianda ayaa sheegay in ciidamada booliska , kuwa waaxda dambi baarista iyo saraakiisha asluubta ay iska kaashanayaan sidii looga hor tagi lahaa in caasimadda dalka la soo galo ama laga baxo.
Waxaa uu carrabka ku dhuftay in laamaha ammaanka aynan cidna u oggolaan doonin in ay caasimadda ka baxdo iyada oo adeegsanaysa waddo sharci darro ah.
Tallaabada lagu xayiray ismaamulladan ayaa looga gol-leeyahay xakameynta faafidda caabuqa corona.