Ra’iisul Wasaaraha Ciraaq iyo madaxweynaha Syria oo kulmay

0
384

Waxaa magaalada Dimishiq ee dalka Syria ku kulmay madaxweynaha Syria Bashar al-Assad iyo Ra’iisul Wasaaraha wadanka Ciraaq Maxamad Shia Al-Sudani.
Socdaalka Sudani ayaa lagu sheegay midkii ugu horreeyay ee noociisa ah muddo 12 sano oo uu dagaal ka taagan yahay Syria.
Labada mas’uul ayaa warfidiyeenka u sheegay inay ka wada hadleen dagaallada xuduudda, ka hor tagga gudbinta daroogada, soo celinta qaxootiga Syria iyo in Meesha laga saaro xayiraadda reer galbeedka ee saaran Syria.