Dowladda Soomaaliya oo sheegtay inay burburisay kaydkii Shabaab ee waxyaabaha qarxa ee gobolka Galagduud

0
226

Ciidanka Kumaandooska xoogga dalka Soomaaliyeed, ayaa howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab ka wada tuulooyinka u dhexeya degmada Galcad iyo deegaanka Budbud ee gobolka Galguduud.
Saraakiil ka tirsan ciidanka Dowladda oo la hadlay warbaahinta Dowladda ayaa sheegay inay khasaare weyn gaarsiiyeen kooxda Al-Shabaab.
Howlgalka laga fuliyay gobolka Galgaduud waxaa la sheegay in lagu burburiyay godad kooxdan ay ku kaydsan jireen sunta iyo alaadaha kale ee ay ka sameeyaan walxaha qarxa.
Dowladda ayaa sheegtay in howlgalka lagu dilay dagaalamayaal badan oo ka tirsan Al-Shabaab iyo horjoogayaal.
Howlgalkii ugu dambeeyay ayaa ka dhacay deegaan lagu magacaabo Gariyaale, halkaas oo lagu khaarijiyay 18 xubnood oo Shabaab ah.
Warbaahinta Dowladda ayaa barteeda telegram-ka ku faafisay sawirrada meydadka Al-Shabaab.
Taliyaha Guutada 16-aad Ciidanka kumaandooska Danab XDS G/Dhexe Axmed Cabdullaahi Nuur Beeryare, ayaa sheegay in dowladdu ay sii wadayso howlgalkan illaa laga ciribtirayo Shabaabka ku dhuumaalaysanaya deegaanada hoos yimaada degmada Galcad.
Galcad ayaa ka mid ah deegaanadii laga xoreeyay Al-Shabaab, horraantii sanadkan, inkastoo Shabaabku ka gaysteen mid ka mid ah weerarradii ugu khasaaraha badnaa oo uu ku geeriyooday taliye ku xigeenkii ciidanka Danab, Xasan Tuure.