Ciidamada ilaalada hawada sare ee dowladda Ruushka ayaa sheegay inay soo rideen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn oo ay adeegsanaysay Ukraine.
Diyaaradahan ayaa lagu soo riday xeebta gobolka Crimea ee Sevastopol.
Dhanka kale madaxweynaha dalka Ruushka,Vladimir Putin ayaa ku andacoonaya in aan lagu guulaysanayn howlgallada iska caabinta ee ciidamada xukuumadda Kyiv ee ay ku doonayaan inay dib ula wareegaan deegaannada laga qabsaday.
Putin ayaa arrinkan ka hadlay xilli uu wareysi siinayay telefishinka dowladda dalkaasi.




