Baarlamaanka Ruushka oo mamnuucay in qofka uu beddelo jinsiyadiisa

0
319

Aqalka hoose ee baarlamaanka dalka Ruushka ayaa maanta meel mariyay hindise sharciyeed mamnuucaya in qofka uu isbeddel ku sameeyo jinsigiisa.
Tani ayaa lagu tilmaamay mid lagu ilaalinaya caadooyinka mabaadi’ida ku saleysan ee wadankaasi.
Xeerkan oo ay xildhibaannada si aqlabiyad leh u ansixiyeen ka dib markii uu maray akhrintii saddexaad ayaa mamnuucaya in qofka uu qalliin ama habraac kale oo caafimaad sameeyo si haddii uu rag yahay uu dumar iskaga dhigo ama inay haweeneyda rag isku beddesho.
Sidoo kale waxaa mamnuuc ah in qofka uu magac jinsigiisa ka baxsan isku diiwaangeliyo.
Xeerka ayaa oggolaanaya keliya in isbeddellan la sameyn karo haddii la saxaya cillado .
Waxaa loo baahan yahay in xeerkan uu sidoo kale ansixiyo golaha federaalka ee Ruushka oo ah aqalka sare ee wadankaasi si uu ugu dambeyn qalinka ugu duugo madaxweyne Vladimir Putin.