Australia oo haweeney u magacawday madaxa bangiga dhexe

0
247

Dowladda dalka Australia ayaa markii ugu horreysay haweeney u magacawday inay noqoto madaxa bangiga dhexe ee wadankaasi ee RBA.
Michele Bullock oo ku takhasustay waaya aragnimo badanna u leh arrimaha dhaqaalaha ayaa beddelaysa Philip Lowe oo bisha Sagaalaad ee sanadkan howlgab noqonaya.
Waxay sheegtay inay sharaf u tahay inay xilkan qabato iyadoo ah haweeneydii ugu horreysay ee bangiga dhexe ee Australia hoggaamiso muddo 63 sano ah.
Ra’iisul Wasaaraha wadankaasi,Anthony Albanese ayaa Bullock ku tilmaamay dhaqaaleyahan sumcad leh.