Biyo yari ka jirta New Delhi

0
228

Dadweynaha ku nool caasimadda dalka India ee New Delhi ayaa maanta ilaa berri wajihi doono gabaabsi dhanka biyaha ah.
Maamulka magaaladaasi ayaa sheegay in dadweynaha ay heli doonaan afar meelood hal meel qiyaastii biyaha ee la siin jiray.
Tani ayaa loo aaneeyay daadad saameeyay saddex shirkadood oo biyaha sifeeya oo halkaasi ku yaalla ka dib roobab culus oo da’ay.
Waxay sidoo kale biyaha buux dhaafiyeen webiga Yamuna ee magaaladaasi maro oo heerkiisa biyaha lagu sheegay midkii ugu sarreeyay muddo 45 sano ah.