DHAGEYSO:Mucaaradka Puntland oo maxkamadda dastuuriga maamulkaasi u gudbiyay dacwad

0
318

Waxaa lagu soo warramayaa in qaar ka mid ah mucaaradka Puntland ay maxkamadda dastuuriga maamulkaasi u gudbiyeen dacwad ka dhan maamulka u hoggaamiyo madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni.
Siyaasi Guuleed Saalax oo ka mid ah siyaasiyiinta mucaaradka ayaa warbaahinta uga warbixiyay dacwadda ay gudbiyeen.

Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda ee Soomaaliya Axmad Ciise Cawad ayaa sheegay in maanta maxkamadda dastuurka ee Puntland ay farta ka saareen dacwad ka dhan ah sida uu hadalka u dhigay jabinta dastuurka ee xukuumadda iyo baarlamaanka Puntland ku kaceen.