Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya Kenya oo aan la soo geli karin iyadoo uunan qofku sidan shahaadada...

Kenya oo aan la soo geli karin iyadoo uunan qofku sidan shahaadada COVID-19

Wasaaradda caafimaadka ee dalka ayaa sheegtay in aan la oggoleyn in wadanka la yimaado ama uu qofku ka safro iyadoo uunan sidan shahaado muujinaysa in laga baaray oo laga waayay cudurka COVID-19
Amarkan oo dhaqangalay toddobaadkan gudihiisa ayaa looga gol leeyahay xakameynta faafidda caabuqa corona.
Madaxa waaxda caafimaadka bulshada ee wasaaradda caafimaadka ee Kenya Dr. Francis Kuria ayaa sheegay in tani ay sidoo kale ka hor tag u noqonaysa adeegsiga dokumeentiyada been abuurka ah ee la xiriira COVID-19.
Go’aankan ayay wasaaraddu qaadatay ka dib markii ay soo baxeen warar sheegaya in garoonka diyaaradaha ee JKIA ee magaalada Nairobi lagu qabtay shakhsiyaad soo safray iyagoo isticmaalaya shahaadooyin faalis ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments