Kooxda Xuutiyiinta ee ka soo horjeedda dowladda Yemen ayaa mamnuucday in wadankaasi la soo geliyo badeecooyinka laga soo dejiyo dhanka Sweden .
Waxaa arrinkan shaaciyay wasiirka arrimaha ganacsiga ee Xuutiyiinta Maxammad Sharaf al-Mutahhar.
Tani ayuu sheegay inay qayb ka tahay falcelinta ka dhanka ah tallaabadii uu dabayaaqadii bishii hore ee June uu qof ku sugan Sweden ku gubay Quraanka Kariimka.




