Ugu yaraan 22 qof oo lagu dilay Suudaan

0
257

Duqeymo dhanka cirka ah oo laga fuliyay dalka Suudaan ayaa waxaa ku dhintay ugu yaraan 22 qof.
Maamullada caafimaadka ee magaalada Omdurman ayaa xaqiijiyay khasaaraha nafeed ee ka dhashay weerarrada.
Duqeymaha oo aan weli la shaacin tirada dadka ku dhaawacmay ayaa waxaa si kulul u cambaareeysay Qaramada Midoobay.
Xoghayaha Guud ee jimciyadda qurumaha ka dhexeysa , Antonio Guterres ayaa falkan cambaareeyay wuxuuna dhinacyada tan iyo bartamihii bishii Afaraad ee sanadkan Suudaan ku dagaallamayay ee kala ah militariga iyo saraakiisha RSF ugu baaqay inay si degdeg ah u soo afjaraan colaadda ka dhexeysa.
Bishii hore ayay ahayd markii in ka badan 17 qof oo ay ka mid ahaayeen 5 carruur ah lagu dilay caasimadda dalka Suudaan ee Khartoum.