Ugu yaraan 6 ka mid ah qaxootiga Rohingya oo lagu dilay Bangladesh

0
287

Waxaa lagu soo warramayaa in ugu yaraan 6 ka mid ah qaxootiga bulshada Rohingya lagu dilay gudaha dalka Bangladesh.
Tani ayaa timid isku dhac la soo tabiyay saacado un ka dib markii dacwad ooge ka socdo maxkamadda caalamiga ee dembiyada dagaalka ee ICC uu tagay xerooyinka qaxootiga ee ku yaalla Bangladesh si uu caddeymo u helo.
Waxaa uu dalkaasi hooy u yahay ilaa hal milyan oo qof oo ka mid ah qowmiyadda Rohingya oo sanadkii 2017-kii ka qaxay gobolka Rakhine ee dalka Myanmar oo ay ciidamada militariga ka sameeyeen howlgallo ay qaramada midoobay ku tilmaantay xasuuq shacab oo weli la baaraya.