Waxaa uu qorshuhu yahay in maanta la aaso xildhibaankii deegaan baarlamaneedka Kiambaa ee ismaamulka Kiambu Paul Koinange oo dhawaan u geeriyooday cudurka COVID-19.
Bayaan ay soo saareen xubnaha qoyskiisa ayay ku sheegeen in munaasabadda aaska ay ka dhici doonto kaniisadda Saint John ee deegaanka Kiambaa abaare 11-ka barqanimo ee maanta.
Waxaa bayaanka ku cad in aasku uu dhici doonto iyada oo si buuxda loo raacaya talooyinka caafimaad iyo amarrada dowladda ee ka dhanka ah cudurka COVID-19.
Dowladda ayaa horay u sheegtay in qofka geeriyoodo la doonayo in la aaso muddo 72 saacadood gudahood ah .
Sidoo kale xeerarka lagu xakameynaya faafidda cudur sidaha corona waxaa ka mid ah in xafladaha aaska aynan ka qayb geli karin in ka badan 50 qof.
Paul Koinange oo sidoo kale ahaa guddoomiyaha guddiga baarlamaanka ee arrimaha maamulka iyo amniga qaran ayaa geeriyooday xilli lagu daaweynayay isbitaalka Nairobi Hospital .