Ciidamada booliiska ee ismaamulka Kiambu ayaa gacanta ku dhigay saddex ka mid ah maamulayaasha shirkadda BrownCheese ee deegaanka Limuru.
Tani ayaa timid ka dib markii haween ka mid ah shaqaalaha shirkadda lagu amray inay dharka iska bixiyaan si loo xaqiijiyo inay qabaan dhiigga caadada ee billaha ah.
Falkan ayaa xigay ka dib markii suufka ay haweenka iskaga nadiifiyaan caadada lagu arkay goobta qashinka la geeyo ee shirkaddaasi.
Laamaha ammaanka ayaa hadda wado baaritaano dheeraad ah waxaana la filaya in maamulayaasha la qabtay oo haween ah maanta maxkamad la soo taago si loola xisaabtamo.
Booliiska Kiambu iyo mid ka mid ah haweenka deegaankaasi ayaa dhacdadan ka hadlay.
Sidoo kale shirkadda Browncheese ayaa sheegtay inay sameynayso baaritaan gaar u ah.