Kenya oo diyaar u ah inay meesha ka saarto shuruudaha dal ku galka ee muwaadiniinta Comoros

0
254

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa sheegay in dowladda dhexe ay ka go’an tahay inay ka hor dhammaadka sanadkan meesha ka saarto dal ku galka looga baahan yahay muwaadiniinta ka soo jeedo wadanka Comoros ee Kenya imaanaya.
Shakhsiyaadkan ayaa laga doonaya inay sitaan dokumeentiyada saxda ah ee lagu safro.
Ruto ayaa arrintan ka sheegay dalka Comoros oo uu uga qayb galaya sanadguuradii 48-aad ee ka soo wareegatay madax bannaanida dalkaasi.
Sidoo kale hoggaamiyaha wadanka ayaa sheegay in si loo xoojiyo iskaashiga labada dal ay Kenya ku dadaalaysa sidii ardayda u dhashay Comoros ay halkan uga dhigan lahaayeen jaamacadaha iyagoo bixinaya qarashaad la mid ah qiimaha lacageed ee laga qaado kenyaanka.
Wiliiam Ruto ayaa dhanka kale dhigiisa Comoros, Azari Assoumani ku bogaadiyay inuu aqbalay guddoominta Midowga Afrika ee sanadkan isagoo xusay in dalkaasi uu yahay jasiiraddii ugu horreysay ee hoggaanka u qabata AU-da.
Kenya ayaa sanadihii ugu dambeeyay ku dadaalaysay in meesha laga saaro caqabadaha dhanka ganacsiga ee ka dhexeya waddamada qaaradda Afrika si loo fududeeyo kala gudbinta badeecooyinka , fidinta adeegyada iyo arrimaha shaqada iyadoo loo maraya sare u qaadidda isdhexgalka shacabka Afrika.