Aqalka sare oo loogu baaqay xallinta muranka xadka Pokot iyo Turkana

0
253

Aqalka sare ee dalka ayaa loo soo jeediyay inuu dardargeliyo xal u helidda muran dhanka xuduudda ah oo ka dhexeya qowmiyadaha Pokot iyo Turkana.
Tallaabadan ayaa looga gol-leeyahay in ismaamulladaasi loogu soo dabbaalo xasilooni waarta si loo xoojiyo maalgashiga maxalliga iyo midka shisheeye labaduba.
Waxaa baaqan diray isku duwaha ammaanka ee gobolka Rift Valley Cabdi Xasan oo shir ku qabtay ismaamulka Nakuru.
Sidoo kale waxaa uu bulshada ku nool dowlad deegaannada West Pokot iyo Turkana kula taliyay in khilaafka dhuleed ee ka dhexeya ay ku xalliyaan si waafaqsan xeerarka dastuuriga ah ee dalka.