Ingiriiska oo dalal ay Kenya ka mid tahay saaray xayiraad

0
557

Boqortooyada Ingiriiska ayaa afar waddan oo ay Kenya ka mid tahay saartay xayiraada ka dhan ah socdaalka kaas oo looga hortagaya cudurka Coronavirus .
Dalalka kale ee uu ingriiska saaray xayiraada waxaa ka mid ah Bangladesh, Pakistan iyo Filibiin .
Waddamadaan ayaa lagu daray liiska dalalka aan dalka Ingriiska gali karin laga bilaabo 9-ka bishaan.
Ingriiska ayaa cabsi ka muujiyay waddamada ay Kenya ka mid tahay oo lagu arkay nooc cusub ee Covid-19.
Waddamada uu Ingriiska ku daray liiska casaanka waxaa horay uga mid ahaa dalalka Brazil iyo Koonfur Africa oo lagu arkay nooca cusub ee COVID 19.