DHAGEYSO:Dowladda Kenya oo si ku meel gaar ah u hakisay furitaanka xadka ay la wadaagto Soomaaliya

0
400

Dowladda Kenya ayaa si ku meel gaar ah u hakisay qorshihii ay ku dooneysay in ay dib u furto xadka ay la wadaagto dalka Soomaaliya, ka dib markii ay bateen weerarrada argagixiso ee laga soo tabiyay qaybo ka mid ah gobolka Waqooyi.
Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha iyo maamulka qaran Prof. Kithure Kindiki oo maanta gaaray deegaanka Dadaab ee ismaamulka Garissa, ayaa sheegay in dowladda ay ka fiirsan doonto oo keliya in dib loo furo xadka marka ay si hufan wax uga qabtaan arrimaha dambiyada ka dhaca xuduudaha iyo falalka argagixiso ee laga gaystay ismaamullada gobolka Waqooyi Bari iyo dowlad deegaanka Lamu.
Waxaa uu tilmaamay in inkastoo dib u dhac uu jiro, haddana labada dowladood ee Kenya iyo Soomaaliya ay weli ka go’an tahay in dib loo furo sohdinta ay wadaagaan si loo horumariyo ganacsiga iyo iskaashiga labada dhinac.

15-kii bishii Shanaad ee May ee sanadkan ayay ahayd markii mas’uuliyiinta dowladaha Kenya iyo Soomaaliya ay ku heshiiyeen wajiga furitaanka 4 xuduud ay wadaagaan muddo 90 maalmood gudaheed.