Macallimiinta wax ka baro goobaha waxbarasho ee dalka ayaa loogu baaqay inay qaataan islamarkaana ay ka faa’iideystaan tallaalka Covid-19 oo ay soo saartay shirkadda Oxford-Astrazeneca.
Agaasimaha guddiga adeegga macallimiinta ee TSC Ibraahim Xiish Aadan ayaa carabka ku dhuftay in macalliminta ay safka hore uga jiraan la tacaalidda cudurka.
Waxaa uu xusay in TSC ay si dhow ula shaqeyneyso wasaaradda caafimaadka si loo hubiyo in macallimiinta da’adooda ay ka sarreysa 58 sano iyo kuwa xaaladaha caafimaad ee daba dheeraday qabo la siiyo mudnaanta koowaad ee qaadasha tallaalka.
Waxaa uu sidooo kale ammaanay saraakiisha waxbarashada ee qaatay tallaalka isaga oo macallimiinta kale ka codsaday inay ku daydaan barayaashan.
Waxaa uu u xaqiijiyay macallimiinta in tallaalku uunan wax u dhimeyn caafimaadkooda.
Dhanka kale agaasimaha guddiga adeega macalimiinta ayaa ugu baaqay maamulayaasha xarumaha imtixaannada in ay u hoggaansamaan awaamiirta wasaaradda caafimaadka islamarkaana ay xaqiijiyaan badqabka arday iyo macallimiinta.