Waxaa magaalada Hague ee dalka Netherlands laga furay xafiis heer caalami ah oo baaritaano ku sameyn doono xadgudubyo ciidamada militariga ee dowladda Ruushka lagu eedeyay inay ka gaysteen gudaha wadanka Ukraine.
Tallaabadan ayaa lagu tilmaamay midii ugu horreysay ee xukuumadda Moscow lagula xisaabtamaya duullaanka militari ee ay dalkaasi ka wado tan iyo 24-kii bishii labaad ee sanadkii hore.
Waxaa baaritaannada iska kaashanaya maxkamadda caalamiga ee dembiyada dagaalka ee ICC-da, dacwad oogayaasha Ukraine, Maraykanka iyo Midowga Yurub.
Dhinacyadan ayaa ka wada shaqeyn doono in caddeymo loo helo baaritaannada ka hor inta aan la soo dhisin guddi gaar ah oo Ruushka marin doono hannaanka cadaaladeed.




