Roobab culus oo la saadaalinaya in ay bishan da’aan

0
566

Waaxda saadaasha hawada ee dalka ayaa sheegtay in la rajeynayo in bishan Afaraad ay da’aan roobab xooggan.
Agaasimaha waaxdan Stella Aura ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in roobabka la filayo in ay ka da’aan qaybaha wadanka marka laga reebo gobolka waqooyi bari.
Dadweynaha ku nool meelaha joog ahaan hooseeya ee dhanka harada Victoria iyo buuraleyda galbeedka iyo bariga gobolka Rift Valley ayaa lagu wargeliyay in ay saameyn karaan daadad sidaas awgeedna laga doonayo in ay feejignaadaan.
Shacabka deegaannadan ayaa looga digay in marka ay roobabka socdaan ay maraan meelaha bannaan ama gabbaad ka dhigtaan geedaha si aynan ugu dhufan jac.
Waaxda saadaasha hawada ayaa sidoo kale ka digtay in roobabka culus ee la rajeynayo uu ka dhalan karo dhul go’o.
Agaasimaha waaxda saadaasha hawada ee Kenya ayaa ku baaqday in la qaado tallaabooyin looga hor tagaya dhimasho iyo burbur hantiyadeed oo ka dhasha roobabka .