Dowladda oo sheegtay in tallaalka COVID-19 la siiyay ku dhawaad 200,000 oo qof

0
540

Afhayeenka dowladda dhexe Mr. Cyrus Oguna ayaa sheegay in ilaa iyo hadda cudurka COVID-19 laga tallaalay dad gaaraya 196, 435 qof.
Shakhsiyaadkan ayaa isugu jiro 111,458 rag iyo 84,977 haween ah.
Marka la eego ismaamullada kala duwan ee wadanka waxaa dowlad deegaanka Nairobi lagu tallaalay 63,034 qof , Garissa 845, Mandera 395,Uasin Gishu 13,884, Nakuru 11,994, Kisumu 8,656, Kajiado 6,842, Kiambu 6,497, Mombasa 6,397, Murang’a 5,471, Nyeri 5,273, Transnzoia 4,392, Laikipia 4,062, Kericho 3,787, Bungoma 3,592, Homabay 3,588, Kisii 3,294, Nyandarua 3,000, Kitui 2,732, Siaya 2,584, Narok 2,420, Elgeyo Markwet 2,378, Vihiga 2,348, Kirinyaga 2,311, Embu 2,008, Kakamega 2,002, Baringo 1,943, Nandi 1,861, Bomet 1,823, Busia 1,801, Meru 1,552, Tharaka Nithi 1,500, Wajeer 1,271, Migori 1,240, Kilifi 1,085, galbeedka Pokot 1,020, Samburu 969, , Nyamira 732, Taita Taveta 714, Makueni 647, Kwale 576, Isiolo 559, Turkana 502, Tana River 419, Marsabit 203 iyo Lamu oo ah 149.
Tallaalka waxaa qaatay howlwadeeno caafimaad oo dhan 74,698, saraakiisha ammaanka oo ah 14,364, macallimiin tiro aha adhan 24,615 iyo shakhsiyaad kale oo gaaraya 83,210.
Wararka ayaa intaa ku daraya in la soo tabiyay 263, 7 oo ah kiisas la xiriira saameynta tallaalka kuwaasoo ay hadda baaritaano ku sameynayaan guddiga qaabilsan xaqiijinta tayada daawooyinka ee dalka.