Waxaa sanadkan cibaadada xajka gudanaya ugu yaraan 2.5 milyan oo qof.
Tani ayaa timid ka dib markii meesha laga saaray xayiraadihii la xiriiray cudurka COVID-19 ee jiray tan iyo sanadkii 2020.
Maamullada boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa sheegay in la diyaariyay in ka badan 32,000 oo ah shaqaalaha caafimaadka iyo kumanaan ah gaadiidka gurmadka degdegga si loola tacaalo xaaladaha caafimaad ee la soo darsa xujeyda.




