Shirkadda korontada oo hakisay qorsho ku aaddana kordhinta qiimaha adeegyada

0
554

Shirkadda korontada dalka ee Kenya Power ayaa hakisay qorsho ay ku doonaysay in ay ku kordhiso qiimaha adeegga korontada ee gudaha wadanka.
Go’aankan ayaa ah mid ay ku nafisayaan macaamiisha oo dareemayay culeys dhaqaale oo uu horseeday cudurka COVID-19.
Guddoomiyaha shirkaddan Vivienne Yeda ayaa sheegtay in ay adeegsan doonaan geeddisocodka haboon ee maareynta lacagaha caddaanka ah oo ay ka mid tahay uruurinta lacagaha daymaha ah ee shirkadda ka maqan.
Ms Yeda ayaa arrinkan ka hadashay xilli ay ka qayb gashay shirka guud ee sanadlaha ee Kenya Power oo lagu qabtay magaalada Nairobi.
Waxay intaa ku dartay in Kenyaan ay wajahayaan caqabado dhaqaale sidaas awgeedna aynan waqti xaadirkan suurtagal ahayn in lagu kordhiyo qiimaha adeegga korontada.