Madaxa ugu sarreeya ee militariga Ukraine ,Ihor Romanenko ayaa sheegay in xukuumadda Kyiv ay tahay inay qaadato go’aan istaraatiiji ah oo ku aaddan sida ay uga faa’iidaysan karto kacdoonka ka billowday Ruushka.
Waxaa uu xusay in tallaabooyinka ay qaadayaan ay ka mid tahay in amar lagu bixiyo weerar ka dhan ah galbeedka Ruushka.
Tani ayaa timid ka dib markii ciidamada sida militariga u tababaran ee Ruushka ee Wagner ay gudaha Moscow ka billaabeen dhaqdhaqaaqyo lagu tilmaamay amar diido in kastoo ay hadda taasi soo afjareen.