Dibadbaxyo ka dhacay Lebanon

0
267

Qaar ka mid ah shacabka dalka Lebanon ayaa maanta mudaaharaad ka sameeyay afaafka hore ee xarunta bangiga dhexe ee wadankaasi.
Dadweynaha ayaa dalbanaya in meesha laga saaro xadidaadda la xiriirta lacagaha uu qofka kala bixi karo akoonkiisa bangiyeed.
Sidoo kale waxay doonayaan in madaxa bangiga dhexe ee dalka Lebanon lagula xisaabtamo dhaqaale xumada wadankaasi uu hadda wajahaya.
Dadkan careysan oo isugu soo baxay magaalada Beirut, ayaa sheegay in iyadoo siyaasiyiinta ay lacago badan geynayaan dibadda dalkaasi in shacabka ay la daala-dhacayaan dhibaatada haysata.
Bishii Tobnaad ee sanadkii 2019-kii ayay ahayd markii maamulka bangiga dhexe ee Lebanon uu soo rogay tallaabooyin lagu xadidaya la bixidda lacagaha sidoo kalena muwaadiniinta wadankaasi looga hor istaagaya inay lacagahooda ku xawilaan akoonnada dibadda.