Taliyihii saldhigga booliska ee waqooyiga Keiyo oo geeriyooday

0
707

Waxaa geeriyooday taliyihii saldhigga booliska deegaanka waqooyiga Keiyo ee ismaamulka Elgeyo Marakwet Moses Kanyi.
Waxaa uu ku dhintay isbitaalka magaalada Eldoret ee dowlad deegaanka Uasin Gishu ka dib markii ay la soo daristay dhibaato dhanka neefsashada ah.
Geerida sarkaalkan waxaa warbaahinta u xaqiijiyay taliyaha booliska ee ismaamulka Elgeyo Marakwet Patrick Lumumba.
Mr.Lumumba oo la weydiiyay in Moses Kanyi uu u geeriyooday cudurka COVID-19 ayaa sheegay in dhakhaatiirta ay faahfaahin ka bixin doonaan arrinkan.
Waxaa uu intaa ku daray in taliyaha geeriyooday uu si hufan ugu adeegi jiray shacabka sidaas awgeedna la tabi doono waxqabadkiisi.