Wakiillada Migori oo ansixiyay miisaaniyad dhan 10 bilyan oo shilin

0
190

Wakiillada golaha hoose ee ismaamulka Migori ayaa ansixiyay miisaaniyad sanadeedka 2023/2024-ka oo gaaraysa 10.036 bilyan oo shilin.
Waxaa miisaaniyaddan golaha hor dhigay guddoomiyaha guddiga qoondeynta miisaaniyadda ee Migori , Graham Kangali isagoo aqlabiyad ka helay wakiillada.
6.96 bilyan oo lacagtan ka mid ah ayay dowladda hoose ee ismaamulka Migori u adeegsan doontaa qarashaadka howlaheeda halka 3.07 bilyan lagu maalgelin doono mashaariicda horumarineed.
Waaxda caafimaadka ee Migori ayay wakiillada u qoondeeyeen 2.3 bilyan oo shilin, golaha hoose waxaa uu helaya 1.03 bilyan , waaxda waddooyinka , gaadiidka iyo howlaha guud waxaa loogu talagalay lacag dhan 759 milyan oo shilin.
Sidoo kale waaxda beeraha, xoolaha iyo horumarinta kallumeysiga ayay u qoondeeyeen 800 milyan iyadoo waaxda maaliyadda iyo qorsheynta dhaqaalaha ee ismaamulkaasi la siinaya 855 milyan.
Waaxda tacliinta waxaa la siiyay 681 milyan, dhallinyarada, jinsiyadda iyo adeegyada bulshada waxaa loo qoondeeyay727 milyan oo shilin.