Nin qof muslim ah ku dilay Maraykanka oo la xiray 55 sano

0
279

Waxaa xukun xabsi oo 55 sano ah lagu riday sarkaal horay uga tirsanaa ciidamada ammaanka ee Maraykanka oo lagu magacaabo Dustin Passarelli.
Tani ayaa timid ka dib markii lagu helay dembi ah inuu toogtay qof dhalasho ahaan ka soo jeeday dalka Afghanistan balse sidoo kale haystay jinsiyadda Maraykanka.
Goobjoogayaal ayaa maxkamadda u sheegay in Passarelli uu qofka aflagaadeyay isagoo adeegsanaya oraah aan wanaagsanayn oo ka dhan ah diinta islaamka.
Sidoo kale waxay sheegeen inuu qofkaasi ka dalbaday inuu dib ugu laabto dalkiisa hooyo.
Muran dhex maray labadooda ka dib ayuu rasaas ku furay qofka hadda lagu helay inuu dilay oo ahaa 32 sano jir laguna magacaabi jiray Mustafa Ayoubi.