Qaramadda midoobey oo laga dalbaday inay talaabo ka qaado ciidamada wadanka Myanmar

0
643

Ergayga gaarka ah ee qaramada midoobey u qaabilsan arrimaha wadanka Myanmar ayaa ka codsatay golaha ammaanka ee jimciyda quruumaha ka dhaxaysa in ay soo faragaliyaan xaaladda murugsan ee wadanka Myanmar.
Waxaa sii kordhaysa xiisada u dhaxaysa milatariga wadankaasi Myanmar oo afgambi kula wareegay taladi dalkaasi 1-dii bishii labaad ee sanadkan.
Shacabka ayaa tan iyo xilligaas dhigaya mudaaharaadyo ay ku diidan yihiin talada ay la waregeen ciidamadu.
Wakiilka gaarka ah ee qaramada midoobey u qaabilsan wadanka Myanmar ayaa ka digtay in wadankaasi uu qarka u saaran yahay dagaal sokeeye.
Christine Schraner Burgener ayaa u sheegtay 15-ka xubnood ee golaha ammaanka in saraakiisha la wareegtay talada Myanmar 1-di bishi fabrayo ee sanadkan aysan awood u lahayn maraynta arrimaha muhiimka u ah dalkaasi.
Waxa sheegtay in ay suurtagal tahay in xaaladu ka sii dari karto sida haatan ay tahay.
Haweenaydan ayaa carrabka ku adkaysay muhiimada ay leedahay talaabo ay qaadaan xubnaha golaha ammaanka ee qaramada midoobay si loo joojiyo dhigga daadanaya ee shacabka Myanmar.
Dad gaaraya 536 qof oo rayid ah ayaa ilaa iyo hadda ku nafwayay dibad baxyada looga soo horjeedo talada ay la waregeen ciidamadu.
Sidoo kale saraakiisha ammaanka ayaa xabsiga dhigay hoggaamiyaal ay ka mid tahay Aung San Suu Kyi, oo ahayd madaxii sida dimuqraadiga ah loo soo doortay ee dalkaasi.
Maalinkii Sabtida ee toddobaadkan ayay ahayd maalinki ugu dhimashada badnayd intii ay socdeen mudaaharaadyadu waxaan la dilay dad gaaraya 141 qof.