DHAGEYSO:Madax dhaqameedka Puntland oo war ka soo saaray dagaalka Garoowe

0
214

Madax dhaqameedka Puntland ayaa ku guuleystay in xabad joojin ay kala dhex dhigaan dhinacyadii shalay ku dagaallamay magaalada Garoowe ee xarunta maamul goboleedka Puntland.
Islaan Ciise Islaan Maxamad iyo Suldaan Saciid Maxamad Garaase oo ka mid ah xubnaha dhaqanka ee howshaan horumuudka u ah ayaa waxay sheegeen in dhinacyadu ay ka aqbaleen baaq ay u jeediyeen oo ahaa in dagaalka la joojiyo islamarkaana la wada hadlo.

Dhanka kale, qaar ka mid ah shacabka magaalada Garoowe oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in wixii shalay ka dhacay magaaladaasi loo maxkamadeeyo guddoomiyaha baarlamaanka maamulka Puntland.