Abaanduulaha ciidamada booliska ee dalka Mr. Hillary Mutyambai ayaa digniin u diray cid kasta oo aan u hoggaansamin amarrada dowladda iyo talooyinka caafimaad ee lagula dagaallamaya cudurka COVID-19.
Shir jaraaid oo uu maanta qabtay ayuu ka sheegay in booliska ay ka go’an tahay dhaqangelinta amarrada dowladda ee ka dhanka ah caabuqa.
Waxaa uu carrabka ku dhuftay in ay jiraan qaar ka mid ah shacabka oo isku dayaya in ay ka baxaan 5 ismaamul oo xayiraad la saaray.
Dowlad deegaannadan ayaa kala ah Nairobi, Kajiado, Nakuru, Kiambu iyo Machakos.
Mr. Mutyambai ayaa xusay in ilaa 33 bar kontorool la dhigay waddooyinka waaweyn ee ismaamulladan.
Waxaa uu ku celceliyay in xubin kasta oo ka mid ah bulshada laga doonayo in ay qaadato afduubka , ilaaliso kala fogaanta sidoo kalena aynan iskudayin in ay gasho ama ka baxdo dowlad deegaan la xayiray.
Sidoo kale ciidamada booliska ayuu ugu baaqay in ay dadweynaha ula macaamilaan si ay baniaadanimo ku dheehan tahay oo aynan ku xadgudbin.
Mr. Mutyambai ayaa dhanka kale xaqiijiyay in ilaa 3000 oo ah ciidamada waaxda asluubta la howlgelinaya si ay booliska uga caawiyaan dhaqangelinta amarka la xiriira xayiraadda isku socodka dadweynaha.
Home Wararka Kenya Abaanduulaha booliska oo digniin u diray shakhsiyaadka aan ilaalin tallaabooyinka ka dhanka...