Madaxweynaha dalka Koonfur Afrika Cyril Ramaphosa ayaa dhigiisa Ruushka Vladimir Putin u sheegay inay qasab tahay in xukuumadda Moscow ay soo afjarto duullaanka militari ee ay in ka badan hal sano ka wado gudaga Ukraine.
Ramaphosa ayaa qayb ka ah wafdi matalaya qaaradda Afrika oo Ruushka u joogo xal u raadinta colaadda.
Madaxweynaha Koonfur Afrika ayaa Putin la wadaagay qorsho ka kooban ilaa toban qodob oo ay madaxda Afrika ku talinayaan in la dhaqangeliyo si loo helo nabad waarta waxaana ka mid ah in dagaalka lagu dhameeyo wada xaajoodyo dibloomaasiyadeed.
Waxaa uu Ramaphosa ku celceliyay in wafdiga halkaasi tagay oo ka kooban toddobo xubnood uu sido farriin cad oo ah inay qasab tahay in la joojiyo isku dhacyada.