Ugu yaraan 15 qof ayaa la xaqiijiyay inay dhinteen halka 10 kalena ay dhaawacmeen ka dib shil ka dhacay bartamaha wadanka Canada.
Shilka ayaa u dhexeyay bas siday dad waayeello u badan iyo mid ka mid ah baabuurta xamuulka.
Dhacdadan ayaa laga soo tabiyay isgoyska labo waddo oo muhiim ah oo u dhow magaalada Carberry ee gobolka Koonfurta Galbeed ee Manitoba.
Ra’iisul Wasaaraha Canada ,Justin Trudeau ayaa u tacsiyeeyay qoysaska dadka shilka ku nafwaayay isagoo caafimaad degdeg ah u rajeeyay kuwa dhaawacmay.
Bishii Afaraad ee sanadkii 2018-kii ayay ahayd markii 16 qof ay ku dhinteen shil ka dhacay Canada.
Shilkii ugu dhimashada badnaa ee soo maray taariikhda dalka Canada ayaa dhacay sanadkii 1997-dii waxaana xilligaasi ku nafwaayay 44 qof.