Waxaa lagu soo warramayaa in xabsiga loo taxaabay guddoomiye ku xigeenka dowladda dhexe ku matasho deegaanka Roysambu ,Mercy Kavoi iyo qof wakiil ka ahaa oo lagu magacaabo David Musyoki.
Tani ayaa timid ka dib markii shakhsiyaadkan lagu eedeyay inay qof shacab ah oo ku nool xaafadda isku raranta ah ee Mathare ay ka dalbadeen lacag laaluush oo dhan 50,000 oo shilin.
Labada qof ee la xiray ayaa la geeyay saldhigga booliiska ee xarunta dhexe ee guddiga anshaxa iyo la dagaalanka musuqmaasuqa ee EACC ee magaalada Nairobi halkaasi oo su’aallo lagu waydiiyay oo ay farriimo ka qoreen.