Madaxweynaha dalka Faransiiska Emmanuel Macron ayaa wadankaas ku soo rogay xayiraad qaran oo dhanka isku socodka ah.
Tani ayaa timid ka dib markii ay kordheen xaaladaha cudurka COVID-19 ee halkaas laga diiwaan geliyay.
Waa markii saddexaad oo Faransiiska looga dhawaaqay xayiraad heer qaran ah.
Amarrada madaxweyne Macron waxaa qayb ka ah in dugsiyada la xiro muddo saddex toddobaad ah.
Macron ayaa khudbad qaran oo uu jeediyay ku sheegay in hadii aan tallaabo degdeg ah la qaadin ay xaaladdu faraha ka bixi karto.
Tan iyo bishii labaad ee sanadkan dalka Faransiiska ayaa maalin kasta laga diiwaangelinayay ku dhawaad 40,000 oo ah xaaladaha cusub ee caabuqa corona.