Raila Odinga oo sheegay inay khasab tahay in isbeddellada dastuuriga ah afti loo qaado

0
416

Madaxa xisbiga ODM Raila Odinga ayaa sheegay in ay khasab tahay in kenyaanka ay helaan fursad ay ugu codeyaan isbeddellada la soo jeediyay in lagu sameeyo dastuurka wadanka ee qaybta ka ah qorshaha BBI.
Mr. Odinga ayaa xusay in hindisaha BBI uu ku saleysan yahay dib u habeyn lagu sameynaya golaha fulinta ee dowladda sidaas awgeedna la doonayo in shacabka ay codkooda ku taageeraan ama kaga soo horjeedsadaan.
Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka ayaa sheegay in iyada oo la tixgelinayo muhiimadda heshiiskii taariikhiga ahaa ee isaga iyo madaxweyne Uhuru Kenyatta dhex maray sanadkii 2018-kii , lagu heshiiyay in baarlamaanka wadanka uu dardargeliyo geeddisocodka sharci beddelka.
Raila ayaa carrabka ku adkeeyay in golaha qaran ee xeer dejinta iyo aqalka sare laga doonayo in ay dokumeentiga hor yaalla ee BBI ay shacabka dib ugu soo celiyaan si ay u dhacdo afti qaran.
Siyaasigan ayaa arrimahan ka hadlay xilli uu kulan la qaatay hoggaanka xisbiga ODM.
Dhanka kale Mr. Odinga ayaa shacabka ugu baaqay in ay sii wadaan u hoggaansanka amarrada dowladda iyo talooyinka caafimaad ee lagu xakameynaya faafidda cudurka COVID-19.
Sidoo kale waxaa uu sheegay in ODM ay ka go’an tahay in ay dowladda dhexe garab ku siiso sidii loo dejin lahaa qorsho dadweynaha looga fududeynaya culeysyada dhaqaale ee jiro gaar ahaan xilligan la xannibay isku socodka qaar ka mid ah ismaamullada wadanka.