Wasaaradda caafimaadka oo beenisay inuu mar kale Corona dalka ka dillaacay

0
279

Wasiirka wasaaradda caafimaadka ee dalka Susan Wafula Nakhumicha ayaa waxba kama jiraan ku sheegtay warbixinnada tilmaamaya in caabuqa Corona uu mar kale ka dillaacay gudaha wadanka.
Shir jaraaid oo ay ku qabatay magaalada Nairobi ayay Susan ka sheegtay in hergabka ay hadda dareemayaan qaar ka mid ah bulshada uu yahay mid iska caadi ah oo aan wax xiriir ah la lahayn cudur sidaha Corona.
Wasiirka ayaa dhanka kale shacabka ku boorrisay inay nadaafadda ku dadaalaan si aan xanuunnada la isugu gudbin.