DHAGEYSO:Wasiirka arrimaha gudaha oo ka digay in la sameeyo dibadbax ka dhan ah hindise maaliyadeedka

0
245

Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha iyo maamulka qaran Prof. Kithure Kindiki ayaa sheegay in dowladda dhexe ay xaqiijin doonto badqabka cid waliba oo si nabad ah u muujinaysa tabashadeeda ku aaddan hindise maaliyadeedka Finance Bill 2023-ka.
Hasa ahaate waxaa uu carrabka ku adkeeyay in aanan marnaba la aqbali doonin in kenyaanka loo horseedo qalalaase,burburinta hantida shacabka iyo bililiqeysiga.
Wasiirka ayaa xusay in xildhibaannada ka tirsan isbeheysiga talada wadanka haya ee Kenya Kwanza iyo kuwa mucaaradka ee Azimio laga doonaya inay adeegsadaan awoodahooda dhanka xeer dejinta oo ay go’aan ka gaaraan hindisaha.
Kindiki ayaa sheegay in cidii aan ku qancin nidaamka baarlamaaniga ah inay u furan tahay inay maxkamadda aaddo balse aan marnaba loo dulqaadan doonin in la qabto dibadbaxyo rabshadeysan.

Arrintan ayuu ka sheegay magaalada Marimanti ee ismaamulka Tharaka Nithi.
Waxay tani ku soo beegmaysa iyadoo madaxda mucaaradka ay wacad ku mareen in haddii baarlamaanka uu meel mariyo hindise maaliyadeedka sanadkan inay sameyn doonaan dibadbaxyo qaran.