Dowladaha Kenya iyo Jabuuti ayaa ku heshiiyay inay xoojiyaan ganacsiga ka dhexeya iyadoo loo maraya in aan la isku xirin dal ku galka ama fiisaha.
Waddamadan ayaa sii adkeyn doono xiriirkooda soo jireenka ah si loo dardargeliyo maalgashiga.
Is-afgaradkan ayaa la gaaray ka dib kulan uu madaxweynaha dalka William Ruto uu madaxtooyada Jabuuti kula qaatay dhigiisa wadankaasi Ismaaciil Cumar Geelle.
Labada mas’uul ayaa ku heshiiyay in la soo dhiso golaha ganacsiga ee Kenya iyo Jabuuti oo ka shaqeyn doono howlaha ganacsi ee dalalkan.
Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa shaaciyay in muwaadiniinta Jabuuti ee Kenya imaanaya aan looga baahnaan doonin dal ku gal.
Tani ayuu ku tilmaamay inay qayb ka tahay dadaallada lagu fududeynaya isku socodka dadka , kala gudbinta badeecooyinka iyo bixinta adeegyada ee qaaradda Afrika.
Sidoo kale waxaa uu William Ruto sheegay in Kenya iyo Jabuuti ay sare u qaadi doonaan iskaashiga dhanka dalxiiska.
Waxaa uu intaasi ku daray in duullimaad toos ah oo isku xiraya Jabuuti iyo Nairobi oo la soo celiyo ay arrinkan kaalin wayn ka qaadan doonto.
William Ruto ayaa sidoo kale sheegay in xoojinta xiriirka Kenya iyo Jabuuti ay dhiirigelin doonto xasilinta gobolka.
Madaxweynaha dalka ayaa dhanka kale madaxda ugu baaqay inay xal u raadiyaan shaqo la’aanta , saboolnimada iyo sinnaan la’aanta ka jirta qaaradda Afrika.
Xilli uu khudbad ka jeedinayay xarunta golaha qaran ee xeer dejinta dalka Jabuuti ayuu Ruto sheegay in Afrika ay leedahay kheyraad sidaasi awgeedna xildhibaannada laga doonaya inay la yimaadaan xeerar lagu xallinaya dhibaatooyinka qaaradda ka jiro sida saameynta isbeddelka cimillada.
Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa dhankiisa sheegay in marka ay nabad jirto waddamada ay ku tallaabsan karaan horumarka ay hiigsanayaan.
Sidoo kale madaxda Kenya iyo Jabuuti ayaa carrabka ku adkeeyay inay muhiim tahay in tallaabada ciidamada nabad sugidda Midowga Afrika looga saaraya dalka Soomaaliya ay noqoto mid lagu saleeyo awoodaha dhanka sugidda amniga ee dowladda wadankaasi.
Shir jaraaid oo ay si wadajir ah u qabteen ayay ka sheegeen in aynan taageeri doonin soo jeedin ku aaddan in ciidamada laga saaro Soomaaliya iyadoo aan la damaanaqaadin qaabka ay dowladda Soomaaliya uga guulaysan karto Al-Shabaab.
Afhayeenka madaxtooyada dalka Xuseen Maxamad ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in marka laga soo tago in madaxda Kenya iyo Jabuuti ay ku heshiiyeen in meesha laga saaro dal ku galka in Kenya ay fursad siin doonto 300 oo ah arday ka soo jeedo wadankaasi si ay wax uga bartaan jaamacadaha dalka iyagoo laga qaadaya qiimaha lacageed ee ay bixiyaan ardayda kenyaanka ah.
Kenya ayaa sidoo kale Jabuuti ka caawin doonto tababarrada luuqadda Ingiriiska iyo in lagu daro manhajkeeda waxbarasho.
Sidoo kale machadyada farsamada ee TVET ayaa ka faa’iidaysan doono tababarayaasha luuqadda Faransiiska oo ka soo jeedo dalka Jabuuti.
Kenya ayaa ka baaran degi doonto inay Jabuuti ka iibsato khadka isgaarsiinta ee maro badda hoosteeda.
HIGHLIGHTS FROM THE MEETING BETWEEN PRESIDENT WILLIAM RUTO AND HIS DJIBOUTI COUNTERPART ISMAIL OMAR GUELLEH
1. Kenya to remove visa requirements for Djiboutian citizens.
2. Kenya to offer 300 positions in higher learning institutions to Djibouti students at fees applicable to… pic.twitter.com/Q8jyIzp6pU
— Hussein Mohamed, MBS. (@HusseinMohamedg) June 11, 2023
Sidoo kale labada dowladood ayaa dardargelin doono wada xaajoodyada dhanka heshiisyada shaqooyinka si tani loo ballaariyo.
Heshiiska waxaa qayb ka ah fududeynta iibgeynta badeecooyinka labada dal.
Sidoo kale Kenya iyo Jabuuti ayaa xoojinaya iskaashigooda laba geesoodka ah gaar ahaan dhanka caafimaadka , warfaafinta, isgaarsiinta iyo tiknolojiyadda ee (ICT), waxbarashada , tamarta iyo wax soo saarka beeraha.
Kenya iyo Jabuuti ayaa sidoo kale kala saxiixday heshiisyo ay ka mid yihiin inay ka wada shaqeynayaan horumarinta tamarta iyadoo shirkadda soo saarta tamarta ee dalka ee (KENGEN) ay labo mashruuc oo koronto soo saarid ah ka fulin doonto dalka Jabuuti.
Sidoo kale waxay ku heshiiyeen horumarinta arrimaha dhallinyarada iyo farshaxanka , iskaashiga akadeemiyada adeegga dibadda iyo dalxiiska.
𝐊𝐄𝐍𝐘𝐀 𝐀𝐍𝐃 𝐃𝐉𝐈𝐁𝐎𝐔𝐓𝐈 𝐀𝐆𝐑𝐄𝐄 𝐎𝐍 𝐀 𝐕𝐈𝐒𝐀 𝐅𝐑𝐄𝐄 𝐑𝐄𝐆𝐈𝐌𝐄 𝐓𝐎 𝐁𝐎𝐎𝐒𝐓 𝐓𝐑𝐀𝐃𝐄
Kenya and Djibouti will push for a visa-free regime to spur trade.
The two countries will also exploit and further their existing relations to grow investments.… pic.twitter.com/ifi6zOPV4G
— State House Kenya (@StateHouseKenya) June 11, 2023