Wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Romania ayaa sheegtay in dib loogu yeeray safiirkii wadankaasi ku matalayay Kenya Dragos Viorel Tigau.
Danjiraha ayaa ku eedeysan in 26-kii bishii Afaraad ee sanadkan uu afrikaanka la barbardhigay daanyeer xilli uu magaalada Nairobi shir uga qayb galayay.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in safiirka oo hadlaya daaqadda dhismaha laga arkay daanyeer isagoo sida la sheegaya isla markiiba yiri waxaa nagu soo biiray koox Afrikaan ah.
Waxaa arrintan si kulul u cambaareeyay danjiraha Suudaanta Koonfureed ku matalo Kenya Chol Ajong’o oo ku tilmaamay aflagaaddo laga dheehan karo cunsurnnimo iyo liiditaan.
Wasaaradda arrimaha dibadda ee Romania ayaa sheegtay in dhacdadan lagu wargeliyay toddobaadkan sidaasi awgeedna ay dib ugu yeertay danjiraheeda.
Safaaradda ayaa hadalka loo tiirinaya safiirka ku tilmaantay mid laga qoomamoodo oo ay ka raali gelinaysa cid waliba oo dhibsatay.
Wasaaradda ayaa intaasi ku dartay in Tigau uu hadalkiisa qaab qoraal ah raali gelin uga bixiyay.
Wasiirka arrimaha dibadda ee dalkani Kenya Dr. Alfred N. Mutua ayaa dhankiisa soo dhaweeyay tallaabada ay qaaday dowladda Romania wuxuuna sheegay in dhaqanka noocaasi ah aan marnaba la aqbali karin.