Dagaal dib uga billowday Suudaan

0
264

Waxaa iskudhacyo u dhexeya ciidamada militariga ee dalka Suudaan iyo saraakiisha gurmadka degdegga ee RSF aroornimadii hore ee maanta laga soo tabiyay qaybo ka mid ah caasimadda wadankaasi ee Khartoum.
Tani ayaa timid ka dib markii uu dhamaaday heshiis xabbad joojin oo shaqeynayay 24 saacadood.
Goobjoogayaal ayaa laga soo xigtay in lagu dagaallamay waqooyiga magaalada Omdurman, Bahri iyo sidoo kale Khartoum .