Rasaas laga maqlay meel u dhow madaxtooyada Niger

0
583

Rasaas culus ayaa aroornimadii hore ee maanta laga maqlay agagaarka mataxtoyada wadanka Niger sida ay ku warrantay wakalada wararka ee AFP.
Laba maalin ka dib ayuu qorshuhu yahay in si rasmi ah xilka loogu dhaariyo madaxwaynaha dhawaan la doortay ee dalkaasi Maxamad Bazoum.
Xabadahan laga dhex maqlay magaalada caasimadda u ah Niger ee Niamey ayaa billaabaty 3-dii aroornimo ee xilliga maxaliga eedalkaasi iyada oo ay socotay muddo dhan 30 daqiiqo.
Weerrarada hubaysan ee u dhaxeeya kooxaha kala taabacsan dhincayada dalkaasi ayaa kordhay iyada oo dalkaasi ay ka taagan tahay xiisad siyasadeed oo ka dhalatay natiijadi dorashadii ku celiska ahayd ee dhawaan ka dhacday dalka Niger.
Maxamad Bazoum ayaa ku soo baxay doorashadii wadankasi ka dhacaday bishii hore ee sanadkan in kasta oo madaxwaynihii hore ee dalkaasi Mahamane Ousmane, uu qaadacay natiijada isaga oo ku andacoonaya inay jirtay wax isdabamarin.