Dacwad ka dhan ahayd Itumbi oo meesha laga saaray

0
297

Waaxda dacwad oogidda dalka ayaa meesha ka saartay dacwad loo haystay xoghayaha maamulka sare ee wasaaradda warfaafinta Dennis Itumbi iyo Samuel Gateri.
Labada qof ayaa ku eedeysnaa inay faafiyeen warqad been abuur ah oo lagu sheegay inuu jiray qorsho la doonayay in lagu dilo William Ruto oo xilligaasi ahaa madaxweyne ku xigeen.
Garsooraha sare ee maxkamadda Milimani Susan Shitubi ayaa maanta tixgelisay codsi uga yimid waaxda uu hoggaamiyo Nuurdiin Xaaji.