Wasiirka waxbarashada oo sheegay in tallaabo laga qaadayo dugsiyadii lagu helay wax isdaba marinta imtixaanada

0
639

Wasiirka waxbarashada ee dalka prof. George Magoha ayaa sheegay in qaar ka mid ah dugsiyada dalka lagu helay wax isdaba marin la xiriirta imtixaanka qaran ee shahaadiga fasalka afaraad ee dugsiga sare.
Iyada oo maalinta afaraad ay aradyda sameenayaan imtixaanka ayaa wasiirka waxaa uu ka digay cunaqabatayn la saarayo qaar ka mid ah iskuulada kuwaas oo lagu eedeeyay inay heleen warqadaha imtixaanka ka hor wakhtigii loogu tala galay.
Prof. Magoha ayaa shaaca ka qaaday in qaar ka mid ah dugsiyada ismaamulada Migori, Nyamira iyo Garissa baaritaan lagu wado ka dib markii lagu eedeeyay in ay ardayda u ogolaadeen inay helaan warqadaha imtixaanka ka hor xiligii loogu tala galay.
Qaar ka mid ah macalimiinta iyo kormeerayaasha imtixaanka ayaa la sheegay inay arday tiro ah siiyeen warqadaha imtixaanka ka hor wakhtigii ay sameeyn lahaayeen.
Prof. Magoha ayaa sheegay in mid ka mid ah kormeerayaasha imtixaanka ee ismaamulka Migori xabsiga la dhigay ka dib markii lagu helay kiisakan mid la mid ah.
Wasiirka wasaaradda waxbarashada ee dalka Prof. George Magoha, ayaa u xaqiijiyay shacabka in imtixanka qaran uu noqon doona mid daah furan isla markaana kiisasaskan tallaabo laga qaadi doono.