DHAGEYSO:Dadka haysto hubka sharci darrada ah ee ismaamullada Isiolo iyo Marsabit oo 7 cisho loo qabtay

0
574

Isku duwaha ammaanka ee gobolka bariga dalka Isaiah Nakoru ayaa shacabka haysto hubka sharci darrada ah ee ismaamullada Isiolo, Marsabit, Meru iyo Samburu ugu baaqay in ay muddo 7 cisho gudahood ah ugu soo wareejiyaan saraakiisha ammaanka.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in uu kulan la qaatay ku dhawaad 150 waxgarad ah oo dowlad deegaannadan ka soo jeedo iyada oo lagu heshiiyay in dadweynaha hubka sito la siiyo fursad ay ku soo dhiibi karaan.
Mas’uulkan ayaa sheegay in hubka sharci darrada ah ee ku jiro gacanta dadweynaha mararka qaar loo adeegsado falal dambiyeedyada.
Isku duwaha ammaanka ee bariga wadanka ayaa ku celceliyay in cidii aan ka faa’iidaysan waqtiga loo qabtay, awood sharciyeed loo adeegsan doono si hubka looga qaado